Raga siyaasada ku xamaasha markey wax diidayaan ama dhaliilayaan, waxey ku af qabsadaan shacabka Soomaaliyeed. Marka ee hasafkooda gaaraana waxey lasoo baxaan wejiyo kale… Sidaas darteed shacabku ha ogaadaan dhowr arimood si fiicana cashar halooga barto.
1- Mar kasta oo dhib dhaco, xabad bilaabato, ama qax iyo dhiila colaqdeed dhalato, waxa ugu horeeya oo dhibku soo gaarayo waa shacaba.
2- Mar kasta is weydii ninka maanta kugu dhiira galinaya in aad qori qaadato oo aad dowlada ama nidaamka markaa jira ka hor imaato adiga oo aan aqoon waxa aad u dagaalamayso ama aad u dhimanayso oo aad welina ilmahaaga u barakicinayso isla markaana aan leheyn ajande ama wax kuu diyaarsan kuuna dhaama oo kuu bedeli kara nidaamka aad hada heysato dantiisu maxey tahay.
3- Soo xasuuso wixii laga dhaxley qabiil iyo qabyaalad ama dana shaqsi oo la difaaco isna bar-bar dhig faa’iidooyinka colaada iyo nabada, qaranimada iyo qabiilka.
4- Is weydii inta aad hada heysatid masii heysan doontaa, mise heli doontaa wax ka sii fiican adiga oo isticmaalaya qubradaada iyo caqligaada is weydii maxaa dan kuugu jira in aad colaad iyo qabyaalad ku bedalato adiga oo qaadi kara wasa taa ka duwan oo raadin kara qaranimo iyo nabad, mid nimo iyo walaaltinimo.
5- Waxaad ogaataa kursiga Madaxtinimada dalka in uusan dadka wada qaadin oo ay haboontahay in qolada markaa joogta lala shaqeeyo oo aan la abuurin qalalaase iyo kala qeybin, dadkuna madax ma wada noqan karaan oo qofkii Allah u qorey unbaa noqanaya balse taariikhda ayaa kala saari doonta madaxda dalka.
6- ka bilow nabada iyo wadaniyada Gurigaaga iyo qoyskaada kuna abaabi ubadkaada nabada iyo wadan jaceylka, ha sugin dowlad ama hey’ado kale ee ku dadaal sidaad adiga dalkaaga uga saari lahayd jiha warewrka iyo dibu dhaca hadaadan wax kale awoodin wanaaga sheeg xumaantana diid adiga oo isticmaalaya hab nabadeed iyo degenaanaho kana fogaanaya firnada iyo qalalaasaha.
7- Ka shaqee nadaafada iyo tacaawunka dadka u baahan in la caawiyo, wax barashada iyo wax soo saarka dalka ugu yaraaan waxaad adiga cuni lahayd in aas si nabad gelyo ah ku raadsato ku dadaal.
8- Gacan ku sii cid kasta oo jecel horumarka dalka kana shaqeyneysa nabad iyo midnimo, qaranimo iyo cadaalad, islamarkaqna kala saar dadta qqbiilka iyo tan qaranka waxa umada wada andacaya kafikir.
9- Xasuusnow (far kali ah fool ma dhaqdo) macanaha qof kaligiis wax kasta ma qaban karo oo baahida taagan ma dabooli karayo, marka ogow dowlad aan shacabkeedu garab taagneyn kaligeed qaran wanaagsan ma dhisi karto.
10- ugu danbeyn isku day in aad wax aqriso oo aad taariikhda wax ka baratid adiga oo ka eegaya dhan kasta tusaale eeg dadlka sideenoo kale wajahay dhibaatooyinka qabiilka iyo dowlad la’aqnta isla markaana is weydii sidee uga baxeen marxaladihii adkaa eena ku gaareen heerka ee maanta joogaan.
Ha ilaabin nidaam yar ama aan dabooli karin baahiyaha jira waxuu dhaamaa nidaam la’aan.
Dalkeena Allah noo nabadeeyo, dadkeenana Allaha mideeyo, allah natuso awoodeena iyo kheyraadka aan haysano sidaan uga faa’iideysan lahayn.
Guul, Midnimo iyo nabad ayaan Allah uga baryaa dhamaan umada Soomaaliyeed.
Waxaa idiin diyaarshey: M A Sabriye
Somali