Qormo ku saabsan Wadaniyadda, Midnimada, iyo Isu-tanaasulka. Wadaninimo, midnimo, iyo isu-tanaasul waa saddex tiir oo asaas u ah horumarka iyo nabadgelyada bulsho kasta oo meel qura ku wada nool.
Mid walba waxa ay la xiriirtaa tan kale, iyagoo si wadajir ah u dhisa awoodda ummadeed ee horseedaysa mustaqbal wanaagsan iyo isku filaansho dhan walba leh.
1-WADANINiMO
Wadaninimadu waa jacaylka iyo daacadnimada qofka u hayo dalkiisa. Waa dareen ka qoto dheer in qofku ku dhasho dhul gaar ah oo kaliya. Waa ixtiraamka taariikhda, dhaqanka, hantida iyo qiyamka qaranka, iyo mas’uuliyadda uu qofku ka dareemo ilaalinta iyo horumarinta dalkiisa.
Wadaninimada dhabta ahi maaha mid ka horjeedda dunida inteeda kale, balse waa mid ku dhisanta iskaashi iyo iska-horumarin. Waa isku-xirnaanta shacabka, oo ku midooba riyo guud oo ah in dalkoodu noqdo meel ka wanaagsan sidii hore.
2- MIDNIMO
Midnimadu waa wadajirka iyo isku-duubnida dadka. Waa in la isku raaco hadafyo guud, iyadoo la iska kaashanayo sidii loo gaari lahaa yool qura.
Midnimadu maaha oo kali ah in qof walba isku fikrad layahay, balse waa in la aqbalo kala duwanaanshaha, oo la fahmo in xoogga dhabta ahi uu ku jiro isku-duubnida iyo isku-tanaasulka.
Marka ay bulsho midoowdo, waxa ay noqotaa mid aan la jabin karin, ayna adag tahay in loo geysto dhibaatooyin dibedda ah. Midnimada dhabta ahina waxa ay dhiirigelisaa kalsooni, xasilooni, iyo iskaashi.
3-ISU-TANAASUL
Isu-tanaasulku waa furaha midnimada iyo wadaninimada. Waa awoodda lagu aqbalayo in wax la iska dhaafo ama laga laabto, si loo gaaro maslaxad guud. Isu-tanaasulku maaha guuldaro, balse waa geesinimo iyo caqli furanaan.
Waana ogaanshaha in aan qof walba heli karin waxa uu rabo oo dhan, isla markaana ay tahay in la isku-yimaado si loo helo meel dhexe oo qof walba ku qanacsan yahay ama ugu yaraan wadanka iyo dadka uroon.
Bulshooyinka horumaray iyo kuwa nabdoon, isu-tanaasulku waxa uu yahay xeerka asaasiga ah ee lagu xalliyo khilaafaadka, laguna dhiso kalsooni, laguna ilaaliyo xasiloonida iyo wada jirka dalka.
Saddexdan qodob markay si wadajir ah u shaqeeyaan, waxay abuuraan bulsho adag oo xasiloon. Wadaniyiinta runta ahina waxay u istaagaan midnimada dadkooda, waxayna diyaar u yihiin inay isu-tanaasulaan si ay u gaaraan hadafkooda guud ee ah horumarka dalkooda.
Su’aal: Maxay adiga kula tahay tallaabada ugu muhiimsan ee maanta loo qaadi karo si loo xoojiyo midnimada iyo wadaniyadda dalkeena?
I recently gave 88isedguro a whirl. It’s a solid option with a decent selection of games. Good experience overall, and I’d recommend checking it out. 88isedguro