
HORDHAC
Nabadgelyadu ma ahan mas’uuliyad saaran ciidamada ammaanka oo keliya. Waa shaqo qof walba oo bulshada ka mid ah ay ka qayb qaadanayso, ka bilow ardayda dugsiyada ilaa waayeelka khibrada leh.
Markii aan iska wada kaashanno ilaalinta amniga, waxaan dhisi kareynaa bulsho xooggan oo isku kalsoon. Sidaas darteed aan Ka Wada Shaqayno ilaalinta nabadgelyada deegaankeena.
1.Feejignaanta iyo Is-Ogaysiinta.
Mid ka mid ah hababka ugu muhiimsan ee aan ku ilaalin karno amnigeenna ayaa ah in aan feejignaan yeelanno. Tani macnaheedu waa in aan indhaheenna iyo dhegaheenna furno, oo aan ogaanno wax kasta oo aan caadi ahayn oo deegaankeenna ka dhacaya.
Haddii aad aragto wax shaki ku abuuraya, ama qof aan aagga looga baran, ha ka labalabaynin inaad la wadaagto masuuliyiinta ku shaqada leh iyo Laamaha amniga. Taasina ma ahan nacasnimo, balse waa mas’uuliyad bulsho iyo ilaalinta amniga.
2. Taageeridda Hay’adaha Ammaanka.
Ciidamada ammaanka waa shaqsiyaad u taagan Ilaalinta nolosheena, hantideena iyo nabadgelyadeena. Waxay u baahan yihiin taageeradeenna si ay shaqadooda u gutaan.
Taasina waxa ay noqon kartaa anaga oo siina macluumaad sax ah oo ku saabsan khataraha jira, ama adigoo siinaya warbixin ku saabsan dembi la galay. Ka fogow in aad daboosho dembiilayaasha, kana qayb qaado in la soo bandhigo si ay cadaaladda u wajahaan.
3. Dhisidda Kalsooni iyo Is-Faham
Marka aan bulsho ahaan isku kalsoon nahay oo aan is fahanno, dembiilayaasha wey ku adagtahay inay naga dhex xamaashaan oo falal denbi si sahlan u geystaan deedna isla anaga nagu dhex dhuuntaan.
Nabadgelyada wanaagsan waxay ku dhisantaa xiriir ka dhexeeya dadka deriska ah. Suuqleyda iyo guud ahaan bulsha kasta oo hal deegaan kuwada dhaqan.
Haddii aan is-ognahay, is-caawinno, oo aan isla ilaashano waxyaabaha aan wada leenahay, waxaan si toos ah u yarayn karnaa amaba u cirib tiri karnaa fursadaha ay dadka xunxun ama danbiilayaashu ay u heli lahaayeen inee nabadgelyada carqaladeeyaan kadibna nagu dhex dhuuntaan.
4. Ka Hortagga Colaadaha
Dhibaatooyinka yar-yar ee bulshada dhexdeeda ah haddii aan la xallin, waxay keeni karaan dhibaatooyin waaweyn. Waxaa muhiim ah in aan samaynno dadaallo aan ku xallinno is-maandhaafka jira, oo aan ka hortagno in ay dhibaato noqdaan.
Hadii aan kusiiyo Tusaale kooban, (Dulqaadka) iyo (Wadahadalka) ayaa ah furaha ugu Muhiimsan ee lagu xalliyo khilaafaadka.
Waa maxay Sababta Ay Nabadgelyadu U Tahay Aasaaska Nolosha?
1- Horumarinta Dhaqaalaha: Marka ay jirto nabadgelyo, ganacsiga ayaa kobca, maalgelinta ajnabiga ayaa abuurma, shaqo abuur ayaa la sameeyaa, waxaana la dhisi karaa kaabayaasha dhaqaalaha.
2- Waxbarashada iyo Caafimaadka: Nabadgelyadu waxay dammaanad qaadaysaa in carruurtu si nabad ah dugsiyada ugu tagi karaan, iyo in goobaha caafimaadka ay si hufan u shaqeeyaan.
3- Kalsoonida Bulshada: Bulshooyinka nabdoon waxay horumariyaan kalsooni, is-ixtiraam, iyo iskaashi dhex-dooda ah. Taasina waxay yaraynaysaa khilaafaadka oo waxay xoojinaysaa wadajirka wax wada qabsiga bulshada.
4- Xasiloonida Siyaasadeed: Nabadgelyad waxay aasaas u tahay dowladnimo adag, nidaam sharci oo shaqeynaya, iyo maamul ku dhisan isla-xisaabtan iyo cadaalad.
GABAGEBO
Nabadgelyadu waa tiirka ugu muhiimsan ee horumarka iyo barwaaqada. Markii aan wada-shaqayno oo aan amnigeena masuuliyad iska saarno, waxaan dhisi kareynaa bulsho nabad ah, oo isku kalsoon. Xasuusnow, nabadgelyadaadu waa mas’uuliyaddaada, iyo tan qof walba oo kugu xeeran.
Nabadgelyadu ma ahan hadiyad la isa siiyo, balse waa mid u baahan in la dhiso, la ilaaliyo, lana xoojiyo maalin walba. Waa shaqo wada jir ah oo u baahan kalsooni, iskaashi, iyo aragti fog.
Maxey Adiga kula tahay ? Sidee ayaynu uga qayb qaadan karnaa xoojinta nabadgelyada deegaankeena maanta?
@msabriye201
Heard about BHTClubWebsite from a mate. Gave it a go and gotta say, not bad at all! Easy to use and the games are pretty fun. Definitely worth checking out if you’re looking for something new. bhtclubwebsite
Jili and Donnalyn? Color me interested! Gotta see what this collab is all about. Maybe some sweet bonuses? Headed to jili donnalyn now!